Sawiro: Madaxweynaha oo qaabilay Danjire Michael Keating

Sawiro: Madaxweynaha oo qaabilay Danjire Michael Keating


daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating.

Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada