Booliska Somaliland oo xiray wariye Coldoon

Booliska Somaliland oo xiray wariye Coldoon

daajis.com:- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ciidamada Booliska Magaaladaasi ayaa xabsiga dhigay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ah Suxufi ka howlgala Magaalada Burco.

C/maalik ayaa waxaa loogu tagay goobtiisa Shaqada, waxaana Xafiiskii uu ku shaqeynaayay la wareegay ciidamada Booliska.


Sidoo kale ciidamada booliska ayaa waxa ay xidheen Suxufi kale oo muuqaalada u duubi jiray Wariye C/maalik.

Suxufigan oo Gobolka Togdheer caan ka ah ayaa inta badan wuxuu baraha Bulshada soo dhigi jiray Muuqaalo ku saabsan arimaha Bulshada oo uu taageero badan ku lahaa.

Ilaa hada Booliska Gobolka Togdheer kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xariga loo geystay Suxufigan.
Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Burco ayaa cambaareeyay tallaada lagu xidhay Wariye Coldoon.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada