daajis.com:- Wargeysyadda Daily Mail iyo The Sunday People ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka rumeysan yihiin in ku-dhawaad 100 Muwaadiniin British oo ku biiray Kooxda Daacish lagu dilay dalalka Syria iyo Iraq tan iyo markii uu Dagaalka Sokeeye ee Syria bilowday bishii Maarso 15-dii ee sannadkii 2011-kii.
Ilo dhinaca Mukhaabaraadka Britain ayaa sheegay in Jihadistayaashaasi la dilay ay yihiin kuwo asal ahaan ka soo jeeda kuwo u dhashay Britain iyo kuwo kale oo qaaday Dhalashada Ingiriiska.
Warbixinta oo lagu soo lifaaqay Sawirada qaar ka mid ah 100-ka Britishka ee lagu dilay dalalka Syria iyo Iraq ayaa waxaa ku jiray ugu yaraan 5 Somali-British ahaa, kuwaasi oo markii ay ku biireen Kooxda Daacish la baxay magacyo kale.
Magacyadda Soomaalida haysatay dhalashada Britishka ee la dilay iyagoo ka barbar dagaalamayo Daacish waxaa ka mid ah:- Abu Cabdalla Xabashi, Abu Muusa Asomali, Abu Mohamed Asomali, Abu Maalik Asomali iyo Abu Khaalid Albiritayn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:07 and have
, Published at