Qaar kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Ceel-cade oo la geeyay Nairobi+Sawiro

Qaar kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Ceel-cade oo la geeyay Nairobi+Sawiro

daajis.com:- Askartan, ayaa noqonaysa kuwoodii ugu horeeyay ee lagu dilay weerarkii Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, isla-markaana ay hesho Dowladda Kenya.

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, ayaa xalay meydadkaasi ka dejisay Garoonka Wilsan ee Magaalada Nairobi, iyadoona lagu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, General Samson Mwathethe, ayaa la wareegay meydadkaasi.

Wasiiradda oo ka hadashay askarta ay la wareegeen, ayaa waxay ku sheegtay kuwii ugu horeeyay oo iyaga meydad ah laga soo samata bixiyo dalka Somaliya, ka dib weerarkii Jimcaha.

Waxay kaloo sheegtay in Ciidanka Difaaca Kenya ay wadaan gurmadkii ugu ballaarnaa, oo nolol iyo geeriba lagu soo samata bixin lahaa Ciidamada Kenya, ee weli la la’yahay.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa Jimcihii weerar saf ballaaran leh ku qaaday Xerada Militariga ee Ciidamada Kenya, ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde. Shabaabku waxay Jimcihii xaqiijiyeen gacan ku haynta Xeradaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada