Baarlamaanka Britain oo ka doodaya in Musharaxa Donald Trumb laga manuuco inuu dalkaas galo

Baarlamaanka Britain oo ka doodaya in Musharaxa Donald Trumb laga manuuco inuu dalkaas galo

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Britain ayaa ka doodaya in Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trumb laga mamnuuco inuu soo galo dalkaas.

Kulan saacado badan qaatay oo Xildhibaanada yeesheen ayaa waxay ka doodeen codsi ay saxiixeen 570 kun oo ruux, kuwaasoo dalbanayay in Mr Trump laga mamnuuco inuu yimaado Britain.

Xildhibaanada qaar ayaa ku tilmaamay Musharaxa bilyaneerka ah inuu yahay doqon qatar ah, isla markaana dab ku ololinaya argagixisada.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya inay muhiim tahay in la qadariyo xoriyada ra’yiga qofka.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in laga mamnuuco Muslimiinta inay soo galaan Mareykanka, hadalkan ayaa dhaliyay caro badan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in UK ay ka jirto dhibaato badan oo Muslimiinta ay geysanayaan, isagoo xusay in Booliska ay qatar ugu jiraan goobaha xagjiriinta ku sugan yihiin.

Waaxda Arrimaha Gudaha Britain ayaa la filayaa inay geliso liiska 80 qof oo laga mamnuuco inay u safraan dalka Britain.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada