daajis.com:- Waxaa si isdaba joog ah Magaalada Nairobi u soo gaaraya qaar kamid ah maydadka Ciidamo ka mid ah Ciidankii Kenya ee lagu dilay dagaalkii Degmada Ceelcadde, iyadoo la sheegay in ciidankii gurmadka u gaaray nawaaxiga Deegaanka Ceelcadde ay weli helayaan maydad badan.
Waxaa Xalay Diyaarad siday meydadka qaar ka mid ah askartaasi Garoonka Wilson Airport ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, General Samson Mwathethe.
Wasiiradda oo Warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay inay la soo gaarsiiyay meydadka afar ka mid ah Ciidanka Gobolka Gedo looga dilay, isla-markaana uu sii socon doono hawlgalka lagu soo samata bixinaayo askarta maqan.
“Waxaanu helnay meydadka afar ka mid ah geesiyaasheena, hawlgalku wuu sii socon doonnaa. Waan ku wargelin doonnaa muwaadiniinteena, horumar kasta oo ayno samayno.” Ayay tiri Raychelle Omamo.
Maalintii Isniintii ayay ahayd markii Magaalada Nairobi laga dejiyay qaar ka mid ah maydadakii u horeeyay iyo ugu yaraan 10 ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya ee laga soo badbaadiyaya duleedka Degmada Ceelcadde.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at