daajis.com:- Ciidamada amaanka Faransiiska ayaa toogtay nin gaari ku weeraray askar ilaalo ka haysay masjid muslimiinta ay shalay ku tukunayeen salaadii jimcaha, kaasoo doonayay in uu gaariga ku jiirsiiyo dadka salaada u yimid masjidka.
Masjidkan oo ku yaal magaalada Valence ayaa waxay ciidamada dhaawac culus u geysteen ninka gaariga waday, halka oday waayeel ah uu ku dhaawacmay rasaastii lagu furay ninkaasi.
Booliska wax war ah kama soo saarin weerarkaan ka dhacay iridka masjidka, hase ahaatee waxaa la xiriiriyay in ay ku lug leedahay weeraradii argagixiso ee Paris, oo kooxo muslimiin sheegtay ay ku xsuuqeen dad shacab ah.
Tan iyo weeraradaasi oo dhacay 13-kii bishii November, waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobaha shacabka ku badan yihiin iyo xarumaha dowladda si looga fogaado weeraro argagixiso ama kuwo loo arko in ay yihiin aargoosi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:20 and have
, Published at