DAAWO:- Darawalkii ugu da’da weynaa UK oo aan waligiis gelin shil: waa 103 sano jir

DAAWO:- Darawalkii ugu da’da weynaa UK oo aan waligiis gelin shil: waa 103 sano jir

daajis.com:- Awoowe Giovanni Rozzo, waxa uu darawal yahay mudo ka badan 80 sano, waxaana la yaab leh in mudadaas uu Darawalka ahaa uusan waligiis xitaa hal mar shil galin ama qalad.

Waxa uu ku noolyahay Cambridge, waxaana uu doonayaa inuu wali sii wato xirfadiisa Darawalnimada iyadoo da’diisa ay hada kor u dhaaftay 103 sano.

Giovanni Rozzo, waa aabe leh 3 caruur ah, sidoo kae waxa uu awoowe u yahay 4 qof.


Rozzo, mudadaas 80-ka sano ah ee uu Darwalka yahay looma diiwaan gelin wax qalad ah, marka laga reebo 2 qalad oo mar kamid ah uu si xowli ah u waday Gaarigiisa, halka marka kalena uu meel qaldan ku baakimay.

Kalsooni buuxda:

Rozzo, ayaa mar uu u waramayay wargeyska DailyMail, waxa uu shegay in mihnada darwalnimada uu soo bilaabay asigoo 20 jir ah markaasoo uu ka tirsanaa ciidamadii Talyaaniga, waxaana uu kaxeyn jiray Gawaarida ciidamada Milatariga.

“Waa lagama maarmaan inaan mudo fog sii kaxeeyo Gaarigeyga qaaska ah ee Mitsubishi, waxaan dareemayaa Caafimaad aad u wanaagsan, arageygana waa ok, waxaana ku kaxeeyaa kalsooni buuxda” ayuu yiri Giovanni Rozzo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada