Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee isugu jirey xubnaha labada gole ee Dawladda iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa soo gaadhey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu kasoo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna kawada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiiro iyo wakiilo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee Dawladda Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.

Maalmaha Soosocda yaa magaalada Muqdisho waxa ka furmi doona shirar looga hadlayo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka, kuwaas oo la doonayao in lagu jaan-gooyoo nooca doorasho ee dalka kadhici doonta bilaha August iyo September ee Sannadkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada