daajis.com:- Boqolaal qaxooti ah oo kunoolaa magaalada Calais ee dalka Faransiiska ayaa shalay isku dayay in ay xoog ku fuulaan dooni rakaab oo ka baxeysay dakadda Calais kuna sii jeeday Boqortooyada Ingiriiska.
Dad gaaraya 200-qof ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay xoog ku fuulaan dooni rakaab oo ay laheed shirkada P&O Ferries, doontan ayaa taagneed dekadda magaalada Calais ,hasa ahaatee muhaajiriinta ayaa ku fashilmay in ay doonidasai xoog ku galana kadib markii laga xirtay albaabada.
Dhinaca kale dadka Muhaajiriinta ah ee kunool magaalada Calais ee kutaala xadka Dalka Ingiriiska, ayaa sameeyay banaanbaxyo rabshada wata ay uga soo horjeedaan amar kasoo baxay Dowlada Faransiiska oo dadkaasi ku amartay in ay ka baxaan xeryo sharci daro ah ay ka sameesteen magaalada Calais.
Ciidamada amaanka faransiiska ayaa bur burin ku sameeyay xero mac mal ah ay dadkan ka sameesteen magaalada dekadda leh ee Calais, waxaana arintan timid kadib cabasho kasoo yeeray dadka kunool magaaladaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have

