Daawo Sawirada:- Sida quruxda badan ee maanta loo caleema saaray G/Baarlamaanka M/Koonfur Galbeed

Daawo Sawirada:- Sida quruxda badan ee maanta loo caleema saaray G/Baarlamaanka M/Koonfur Galbeed

daajis.com:- Waxaa si habsami leh Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ugu soo gaba gaboobay Xaflad ballaaran oo lagu caleema saaraayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Madasha lagu caleema saaraayay Gudoomiyaha ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin kala duwan kuwaasi oo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay diirada ku saarayeen howsha hortaal Gudoomiyaha iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne Xassan oo khudbad gaaban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in maalin aad iyo aad u wayn tahay maadaama laga soo wada qaybgalay caleemo saarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Gudoomiyaha kula dardaarmay inuu si wanaagsan ugu adeeggo shacabkii uu u dhaartay inuu sida ugu qurux badan ku hogaamin doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada