Deg Deg:- Caleema Saarkii Baarlabaanka KG. Dalka Yaa Xukuma…(Sawiro)

Deg Deg:- Caleema Saarkii Baarlabaanka KG. Dalka Yaa Xukuma…(Sawiro)

daajis.com:- Iyadoo goor dhaw lagu wado in la soo gebagebooyo caleema saarkii baarlabaanka Koofur Galbeed, ayaa waxaa maanta halkaa ka dhacay wax aanan weli loogu arag masraxa siyaasadeed.

Waxaa maanta aay noqotay markhaati ma doonto in dalkan aay ka taliyaan Itoobiya, markii halkaa loogu dhammeeyay ammaan, guusha laga gaaray sameynta Koofur Galbeedna la siiyay dowladda Itoobiya oo la’aanteed bey yiraahdeen aanay suurto gali lahayn in dhiso KG.

Wasiirka Arrimaha DIbadda Itoobiya oo goobta fadhiyay ayaa sheegay in ujeedka iyo shaxda Itoobiya aay tahay in la dhiso dowlad goboleedyo federaal oo xiriir wanaagsanna uu kala dhexeeyo madaxdooda iyo madaxda Itoobiya.

Hadalkaas ayaa waxaa uu layaab ku noqday dad badan oo goobta ku sugnaa. Waxaase is weydiin mudan, DALKAN YAA KA TALIYA. Tiro dhallinyaro ah oo goobta ku sugneyd oo muujiyay in aay ka xun yihiin hadaladii Shariif Xasan iyo Wasiirka Arrimaha DIbadda Itoobiya ayaa xabsi loo taxaabay. Dhallinyarada ayaa mar qura sameeyay sawaxan diidma ah hadalada halkaa laga sheegayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada