daajis.com:- Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka biyo diiday qaabka ay u qeybisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Labada Gobol.
Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada federalka Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen Odowaa oo gaaray gelinkii dambe ee shalay magaalada Jowhar oo shirar kala duwan la yeeshay oday dhaqameedyada iyo mas’uuliyiitna maamulka labada gobol ayaa hordhigay qaabka ay u qeybsanayaan beelaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka.
Kulankii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirada kale ee ay la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa ku dhamaaday buuq, waxaana dib u dhac ku yimid shir jaraa’id lagu soo bandhigi lahaa habka ay u qeybisay Wasaaradda tirada odayaasha soo xulaya ergada, waxaana taa bedelkeed la qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin habka beelaha loogu qeybiyay.
Qaar kamid ah ergadii hore uga yimid gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay xaruntii ay ku xareysnaayeen ee loogu talogalay in ergada lagu xareeyo kadib markii ay maqleen qaabka loo qeybiyay oday dhaqameedyada soo xulaya ergada.
Hase yeeshee wafdiga ka koobnaa wasiirada ayaa u ambabaxay magaalada Beledweyne si beelaha weli diidan shirka ay uga soo dhaadhiciyaan sidii ay ugaga qeybgali lahaayeen shirka.
Qaar ka mid ah ergadii laga soo daadgureeyay magaalad Beledweyne ayaa la arkay iyagoo sita boorsooyinkoodii oo ka soo baxay dhismaha uu shirku ka dhacayo.
Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbinaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka:-
ABGAAL——————-> 15-XUBIN
XAWAADLE————–> 11 XUBIN
GAALJECeL—————> 6 XUBIN
GUGUNDHABE——— > 6 XUBIN
JAREERWEYNE——–> 6 XUBIN
HABARGIDIR———–> 5 XUBIN
UDEEJEEN————- > 2 XUBIN
MOOBLEEN———— > 2 XUBIN

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:22 and have
, Published at