Hogaamiyaha maamulka Jubbaland oo booqasho ku tagaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland oo booqasho ku tagaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

daajis.com:- Hogaamiyaha maamulka Jubbaland oo shalay hishiis is afgarad ah uu dhex maray madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa shaaciyay inuu tagayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Axmed Madoobe,ayaa safarkiisa magaalada Baydhabo ku sababeeyay inuu ka aargudanayo madaxweynaha koofur Galbeed oo dhowr jeer tagay magaalada Kismaayo, isagase wali aanu tagin magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wuxu sheegay in magaalada Baydhabo uu kulamo gaar ah kula qaadan doono hogaanka maamulkaasi ee Shariif Xasan Sheikh Aadan, iyaga oo ka wadahadlaya xiriirka kala dhaxeeyo Koofur Galbeed.

Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa khilaaf uu soo kala dhex galay kadib markii la sameeyay maamulka Bakool sare oo laga dhisay seddex degmo oo kamid ah deegaanada maamulka koofur Galbeed.
Laakiin hadda hishiis ayay ka gaareen kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu dhex dhexaadiye ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada