Kenya oo loogu Baaqay iney si Deg Deg ah Ciidankeeda Ugala Baxdo Gudaha Soomaaliya & Hadii kale…..

Kenya oo loogu Baaqay iney si Deg Deg ah Ciidankeeda Ugala Baxdo Gudaha Soomaaliya & Hadii kale…..

daajis.com:- Urur u dooda Xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Kisumu ayaa dowladda ugu baaqay in ay si deg deg ah ciidamadadeeda uga saarto gudaha dalka Soomaaliya.

Mr Dickens Okunda ayaa sheegay inaaney wanaagsaneyn in dowladda Kenya ay dusha ka daawato ciidamadeeda oo ku dhamaanaya gudaha Soomaaliya, isagoo turaasle u soo qaatay weerarkii dhawaan ka dhacay CeelCade oo ay ku dhinteen askar badan oo Kenyan ah.

Waxa uu u xasay in haddii ciidamda Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya in Al-Shabaab ay joojinayaan weerarada ay ka wadaan gudaha dalka Keyna isagoo yiri:”Colaadu wey soo afjarmeysaa hadii aan ciidankeena la baxno gudaha Soomaaliya”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada