daajis.com:- Wakaalada wararka Reuters ayaa tabisay inay heshay cadaymo muujinaya in dowladda Sacuudiga ay lacag dhan 50 milyan oo Dollarka Maraykanka ah ugu deeqday dawlada Soomaaliya, kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xiriirkii diplomaasiyadeed u jartay dalka Iran.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Sacuudiga ee dalka Kenya loona diray safaarada Soomaaliya ee Nairobi 7-dii bishan oo ahayd isla maalintii ay dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed ay u jartay dawlada Iran ayaa waxaa loo balan qaaday Soomaaliya lacag gaaraysa 50 milyan oo Dollarka Maraykanka.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in lasoo hor mariyay 20 million oo Dollar wax yar kadibna waxaa lagu daray 30 million oo kale waxaana lacagtaas ay boqortooyadda Sacuudiga ku sheegtay inay ugu talo gashay dib u dhiska dalka Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at