daajis.com:- Waxaa natiijo la’aan ku soo gabagaboobay shirweynihii qaran ee looga tashanayay mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo socday mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.
Ra’iissal wasaarada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa saxaafada ugu warbixiyay natiijada shirkaasi isagoo sheegay in shirkii Madasha Qaran ee ka furmay magaalada Kismaayo 14-kii Janaayo uu hakad galay, isla markaana uu jiri doono shir kale oo si dhaqso ah la iskugu iman doono, isagoo aan waqtiga iyo goob midna sheegin.
Raysul wasaaraha ayaa xusay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay, kuwaasoo keenay dib u dhaca iyo in laga soo kala tago Kismaayo iyadoo xal aan la gaarin.
Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, Raysul wasaaraha, Madaxweeyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo xubnihii ku wehlinayay safarkooda ayaa mar qura ka duulay garoonka Kismaayo.
Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa isaguna weli ku sugan magaalada Kismaayo halkasoo uu shir kula leeyahay Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Arintan ayaa muujineeysa in shirkii uu kusoo idlaaday fashil, madaxda Soomaaliyeedna ay xal ka gaari waayeen hannaanka loo marayo doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadka.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:52 and have
, Published at