Kenya oo bilowday howlgal cir iyo dhul ah oo ku baadi goobeyso askarta ka maqan

Kenya oo bilowday howlgal cir iyo dhul ah oo ku baadi goobeyso askarta ka maqan

daajis.com:- Ciidamada milateriga Kenya ayaa bilaabay howlgal cir iyo dhul ay ku baadi goobayaan askar tiro badan oo ugu lumay jimcihii weerarkii Ceelcadde ay Al-Shabaab ku qaadeen, halkaasoo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Kenya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in howlgal cir iyo dhul ay ka wado deegaanada Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku firxadeen qaar ka mid ah askarteeda, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay sii kordheyso tirada ciidamada la la’yahay.

Howlgalkaan ayaa barbar socday duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen deegaano ay ku tuhunsan yihiin in Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa sheegtay inay wadaan howl gal baadigoob iyo bad baadin ah oo askarta ka maqan ah, iyadoo xustay inay wajahayaan weeraro argagixiso.

Dad reer Miyi ah ayaa sheegaya inay arkeen meydad dhowr ah, sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in askar ka tirsan Kenya la dilay iyagoo firxad ahaa, waxaana aad isu soo taraya khasaaraha xoogan ee gaaray Ciidamada Kenya.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii jimcihii ay ku dileen in ka badan 100 askari Kenyan ah, halka ay gacanta ku hayaan 12 askari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada