DAAWO: Ciidamadii Kenya ee ku Dhaawacmay Dagaalkii Ceelcadde oo Nairobi Gaaray (VIDEO)

DAAWO: Ciidamadii Kenya ee ku Dhaawacmay Dagaalkii Ceelcadde oo Nairobi Gaaray (VIDEO)

daajis.com:- Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa inaga soo gaaraya warar sheegaya in maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Nairobi ay ka dagtay diyaarad siday Meydadka iyo dhawacyada askar katirsan Ciidanka Dowladda Kenya ee dhawaan lagu weeraray deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Ciidanka Kenya ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhawacyada askarta Kenyanka ah ee waxyeeladu kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab maalintii jimcaha ku qaadeen xaruntii Ciidanka Kenya ee Deeganaka Ceel Cadde.


Wasiirka difaaca Dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo, oo kamid aheed xubnihii kusoo dhaweeyay Garoonka Dhaawcayad iyo Meydadka askarta Kenyaanka ah, ayaa ku hanjabtay in Ciidankooda ay qaadi doonaan howlgal adag oo lagu soo bad badainayo askar kale oo wali ka maqan.

Waxa ay sheegtay Wasiirada in dowladda marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaasi ku dhimatay, waxa ayna ka gaabsatay in ay shaaciso tirada looga dilay Ciidankooda iyo kuwa looga dhaawacay Weerarkii Ceel Cadde.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Weerarkii Gedo ka dhacay ay ku Dileen in ka badan 100-askari oo katisanaa Ciidamadii ku sugnaa Xeradaasi lala wareegay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada