Dowlada iiraan oo Jawaab lama filaan ah ka bixisay Xariir u jaristii Somalia iyo Jabuuti

Dowlada iiraan oo Jawaab lama filaan ah ka bixisay Xariir u jaristii Somalia iyo Jabuuti

daajis.com:- Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Tehran Times ee ka soo baxa dalka Iiraan, wuxuuna tilmaamay inaysan wax Walaac ah ku haynin Afarta Dowladood ee Afrikaanka ee xiriirka Diplomaasiyadeed u jaray dalkiisa, kuwaasi oo kala ah Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Jesiiradaha Komoros.

Mar wax laga weydiiyey Miisaanka Diplomaasiyadeed ee Go’aanka Dowladda Somalia, waxa uu tilmaamay inaysan Somalia lahayn Dowlad Dhexe oo xoog badan, isla markaana waxay sii wadaan baahida ay ku tiirsan yihiin Dowladda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u yiri.

“Xiriirkeenna Dhaqaale ee aan la leenahay Somalia waxa uu inta badan ahaa ku dhisnaa Ganacsatadda Soomaalida ee Ganacsiga ka sameysa dibedda Somalia” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay wax dabiici tahay inay Somalia xiriirka u jartay Iiraan, si ay Sacuudiga uga helaan Taageero Dhaqaale.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay inuusan jirin xiriir Dhaqaale ee toos ah oo ay la leeyihiin Somalia, sababo uu ku micneeyey Walaaca dhinaca Ammaanka Somalia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Maareynta ee Golaha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Iiraan iyo Afrika (The managing director of Iran and Africa Council for Economic Cooperation (IAECC), Hassan Khosrowjerdi waxaa wax laga weydiiyey Go’aanka Dowladda Jabuuti ku jartay Xiriirkii Iiraan, waxa uu Jabuuti ku tilmaamay Bakhaar Weyn oo Ethiopia ku kaydsato Badeecadaha ay ka soo iibsadaan Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jabuuti Istaraatijiyad muhiim ah u lahayn Dowladda Iiraan, isla markaana uu rajeynayno inay Dowladda Ethiopia culays saari doonin Dowladda Jabuuti, waa sida laga soo xigtay.

Ugu dambeyntii waxa uu Mas’uulkaasi sheegay inaysan Dowladaha Somalia iyo Jabuuti ka maarmi karin Taageeradda iyo Ganacsiga Iiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada