daajis.com:- Waxaa shalay burburay shirkii Madasha ee ka socday magaalada Kismaayo, kadib markii lagu kala aragti duwanaaday, taasi oo siyaasaddii dalka ka jirta cirka sii saartay maadaama madaxdii is fahmi waayeen.
Arrinka ugu weyn ee la hadal hayay ayaa ahayd in maamullada Jubbaland iyo Puntland ay diideen nidaamka qabiilka ah ee 4.5 hase ahaatee hadda waxaynu helaynaa xog cusub oo maamulladaan ku saabsan.
Wararku waxay sheegayaan in hadda Jubbaland iyo Puntland ay aqbaleen nidaamka 4.5, islamarkaana ay doonayaan in Soomaalida meesha ay u badatay raacaan maadaama go’aankaasi ay ku kali noqdeen.
Hadii Labadaan maamul arrinkaan si buuxda u aqbalaan waxaa hubaal ah in la gaari doono mowqif mideysan, inkastoo is qabqabsiga iyo jiidista xarigga siyaasadeed aanu ahaan doonin mid dhamaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at