Ciidamo Keenyaan careysnaa oo aargoosi ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaanka…

Ciidamo Keenyaan careysnaa oo aargoosi ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaanka…

daajis.com:- Ciidamo ka tirsanaa gurmadka Kenya ee gaaray Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa degmadaasi ku toogtay ilaa Sedex ruux oo shacab ahaa.

Ciidamadaani gurmadka u ahaa Ciidamadii ka habaabay Xerada la weeraray ayaa waxa ay dilkaasi ka fuliyeen duleedka Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, xilli ay ku sii jeeden Degmadaasi.

Sedexda ruux ay dileen ayaa ahaa Xoolo dhaqato waxa ayna dilka ka hor ka wareysteen ciidamada Kenya ee ku firxaday duurka Degmada iyaga oo aan ka bixin jawaabtii looga baahnaa toogasho ku dilay.

Ciidamada Kenya oo ka careysan falkii lagula kacay ciidamadii ka degnaa Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa qaab aargoosi ah u bilaabay inay u dilaan dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Likooni oo aan ka fogeyn tuulada Sanose.
Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inaanay aqbali karin in Ciidamada Kenya ay ka aargutaan shacabka Somaliyeed. Sidoo kalana waxaa uu ugu yeeray inay raadsadaan Shabaab, oo aanay ugaarsan shacabka.

Ciidamada Kenya waxaa lagu dhaliilaa inay dilaan dadka maatida ah, marka uu hujuum kaga yimaado mintidiinta Shabaabka, oo si wayn kaga soo horjeeda joogitaanka dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada