daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta dalka Yemen Mohammed Abdul Majeed Qubati ayaa suxufiyad toos ﴾Live﴿ uga waraysanaysa telefishan ku yaala Dubai, hadalo inuu jecel yahay, oo haasaawe ama shukaansi ah, ku boobay wakhti uu si toos ah telefishanku hawada ugu jiro.
Arrintan oo aad loo qariibsaday ayaa suxufiyada lagu magacaabo, Najwa Qassem, oo ka hawl gasha telefishanka Al
Hadath ee Magaalada Dubai xaruntiisu tahay, oo waraysi toos hawada uga baxaya ka qaadaysa wasiirka warfaafinta Yemen kala kulantay, haasaawe uu wasiirku ku boobay.
Gabadhan wariyaha ayaa waydiisay wasiirka warfaafinta Yemen, xaalada magaalada go’doonka ah ee Tacis, waxaanu ku jawaabay, ﴾Waxaan kaa dalbaday mar hore laakiin safar ayaad ku maqnayd oo maad joogin, waan wadayaa, adigaan masaafadaa dheer ku soo baray, sababta kaliya ee aan Dubai u imidna waa salaantaada iyo inaan kula kulmo adiga. Ayuu degdeg isu daba dhigay wasiirku, Suxufiyadan waraysiga tooska u baxaya la lahayd wasiirka ayaa qosol gariir iyo is diidsiin kaga dareen celisay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at