Sweden oo ku dhawaaqday inay dalkeeda ka ceyrineyso 80 kun oo qaxooti ah

Sweden oo ku dhawaaqday inay dalkeeda ka ceyrineyso 80 kun oo qaxooti ah

daajis.com:- Dowlada Sweden ayaa lagu wadaa in ay dalkeeda ka ceyriso ilaa iyo 80,000 oo dad magan galyo doon ah, ka gadaal marki codsiyadoodii qaxootinimada la diiday.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Anders Ygeman ayaa sheegay in diyaarado lagu daabuli doono dadkaan, waxaana tallaabadani ay socon doontaa muddo sanada ah.

“Waxaanu ka hadleynaa dad gaaraya 60,000 balse tirada waxaa ay gaari doontaa 80,000,” ayuu yiri Mr Ygeman oo la hadlay warbaahinta dalka Sweden.

Sanadi lasoo dhaafay ee 2015 oo qura waxaa dalkasi magan galyo weydiistay ilaa iyo 163,000 oo qaxooti ah, waxaa lagu sheegaa tiradi ugu badneyd ee dal Yurub ah iska dhiibta.

Sanadki hore waxaa la eegay kiiska 57 kun oo ruux, waxaana laga aqbalay 55%.
Inkasta oo aanan la sheegin dalalka ay u dhasheen qaxootigaan, ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ku jiri doonaan qaxootiga Soomaaliyeed ee iyagu aanan wali la aqbalin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada