Ururka Al Shabaab oo Sheegay Inay 12 Sarkaal oo Kenyan ah ay Gacanta ku Hayaan

Ururka Al Shabaab oo Sheegay Inay 12 Sarkaal oo Kenyan ah ay Gacanta ku Hayaan

daajis.com:-  Al Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku hayso Saraakiil Kenyan ah, kuwaasi oo lagu qabtay Dagaalkii cuslaa ee Aroornimadii Jimcaha Shabaabku ay ku qaadeen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Bayaan ay Shabaabku soo dhigeen baraha internetka ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay u suuragashay inay nolosha ku qabtaann 12 ciidan oo Kenyan oo ay ku jiraan Saraakiil sare, waa sida ay hadalka u dhigeene.


Qoraaldan oo ku soo baxay Luuqadaha Englishka iyo sawaaxiliga ayaa Shabaabka waxa ay ku sheegeen in goor dhaw ay soo bandhigi doonaan Askarta maxaabiis ahaanta ay uga qabsadeen ciidamada Kenya.

Waxa kale oo ay Shabaabka qoraalka ku sheegeen in dhimashada Askarta Kenyattiga ah ay iminka gaartay ilaa 100 Askari oo ay ku dishay weerarkii ka dhacay Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Majirto ilo ka madaxbanaan Ururka Al Shabaab oo xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya looga dilay weerarkaasi, inkastoo Dowladda Kenya ama Amisom aysan shaacin tirada dhabta ah.

Wasiirka Amniga ee dsalka Kenya ayaa Suxufiyiinta ka mamnuucday inay faafiyaan ama ay daabacaan Sawirada la xiriira weerarkii Ceelcadde.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada