daajis.com:- Tan iyo markii madaxda sare ee dowlada fadaraalku gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh cadeeyay mawqifkiisa ku aadan nooca doorasho ee doorashada lagu gali doono bisha September ee sanadkan ayaa waxaa dhacay quus iyo in madaxdii xataa kulan iskugu imaan waydo.
Laga soo bilaabo kulankii lagu kala kacay ee ka dhacay Villa Somalia ma dhicin kulan dhexmaray madaxda ku wada sugan magaalada Muqdisho marka laga reebo kulamo beesha caalamku la yeelanaysay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, hadaba sidee wax ujiraan?
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Beesha caalamka ugudbiyay go’aan ah in doorashada aqalka hoose lagu soo xulo nidaamka 4.5 kan sarana lagu qaybsado maamul goboleed kaas oo sida muuqata dhanka madaxda sare ee DFS ay ku heshiiyeen.Go’aankan waxaa kasoo horjeestay madaxda dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
Beesha caalamka sidee bay u aragtaa ismariwaaga madaxda Soomaaliyeed? Inkastoo wali uusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Beesha caalamka ayaa hadana marka aad ufiirsato kulamada ay la yeelanayaan madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa waxaa laga fahmi karaa in Beesha caalamka qadarinayso go’aanka madaxda sare ee DFS sidaas darteedna ay isku dayayso in madaxda Puntland iyo Jubaland ku cadaadiso inay aqbalaan go’aanka horyaala.
Maanta waa maalinta kama dambaysta ah ee ay tahay in la shaaciyo nooca doorasho ee lagu soo xulayo xildhibaanada labada aqal ee Dowlada Somalia, mana muuqato ifafaalo muujinaya in wax loo dhan yahay lagu dhawaaqo.Waxa hada la sugaaba waa kala dhoofidii madaxda iyo dhanka ay Beesha caalamku xoojiso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:03 and have

