4 Dal oo ku Heshiiyey Hakinta soo Saarka Saliida

4 Dal oo ku Heshiiyey Hakinta soo Saarka Saliida

daajis.com:- Afar ka mid ah dalalka ugu weyn adduunka ee soo saara saliidda, ayaa gaarayy heshiis ay ku hakinayaan wax soo saarkooda, si wax looga qabto saliida dheeriga ah ee taalla suuqyada caalamka.

Wasiirada saliidda ee dalalka Ruushka, Sacuudiga, Venezuela iyo Qatar ayaa heshiiskan gaaray taaladada (2/16/2016), intii uu socdya kulan albaabada ay u xirnaayeen oo ka dhacay magaalada Doxa ee dalak Qatar.

Afartan dal ayaa wax soo saarkooda saliida ku ekeen doona heerkii bishii January ee lasoo dhaafay, taasi oo wasiirka saaliida ee Sacuudiga Ali Al-Naimi uu ku sheegay inay tahay mid ku filan.

Kulanka ayaa tusmeynaya in dalalka soo saarra shidaalka, oo ay ku jiraan xubnaha ururka OPEC ay sidoo kale isku raaci doonaan in la dhimo wax soo saarka si loo soo geba gebeeyo 19 bilood oo qiimaha shidaalka uu hoos u dhacayey. 

Qiimaha shidaalka ayaa gaaray wax ka yar 30 dollar halkii barmiil, markii ugu horreysya muddo ka badan 10 sano.

Hoos u dhaca shidaalka ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey miisaaniyadda dowldaha Ruushka, Sacuudiga iyo Venezuela.

Dadka arrimahan u kuur galay ayaa rumeysan in qiimaha saliida caalamka uu mar ay ahaataba gaari doono 20 dollar halkii barmiil, kahor inta aanu dib usoo kicin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada