Ciidamadii xalay ku dhintay weeraradii Al-Shabaab oo aas qaran loo sameeyay: Saawirro

Ciidamadii xalay ku dhintay weeraradii Al-Shabaab oo aas qaran loo sameeyay: Saawirro

daajis.com:- Aas qaran ayaa maanta loo sameeyay askartii xalay ku geeriyootay weeraradii argagixiso ee maliishiyada Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, waxaana aaskooda ka qeybgalay mas’uuliyiin isugu jiray Xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Calanka Soomaaliya oo lagu dul hogagay naxashyadii ay ku jireen meydadka askartaas ayaa lagula tukaday salaada jinaasada, iyadoo kadibna lagu aasay qabuuraha dugsiga Schola Polizia.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida iyo sordoonka qaranka Col. Xaamud ayaa waxay goobta aaska ka sheegeen in asktaasi ay ahaayeen kuwo naftooda u huray in ay shacabka ka hor istaagaan dhagarta Al-shabaab oo damacsanaa in ay xasuuqaan shacab aan waxba galabsan.

Guud ahaan dadkii ku dhintay weerarkii xalay ee ka dhacay Muqdisho ayaa gaaraya 15 qof iyo dhaawaca 30-meeyo qof oo u badnaa dad wadada marayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada