Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo Ee Qatarta Ah Halkaan Ka Baro (STD)

Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo Ee Qatarta Ah Halkaan Ka Baro (STD)

daajis.com:-STD-yada waxaa sidoo kale loo yaqaannaa cudurrada xubnaha galmada. Waxaa sababa jeermis ku nool maqaarka ama dheecaannada jidhka sida shahwada, dheecaanka siilka ama dhiigga. Jeermiska waxaa gudbiya qof bukka badanaa siday uga gudbaan, waa isu tag/galmo, maqaar, dhiig, ama dheecaan jidh. Jeermisyadaan waxay jidhka ka geli karaan siilka, afka, futada, iyo boogaha ama meelaha dillaacsan ee furan. STD-yada laguma faafiyo is taabasho caadi ah, barkadaha dabbaasha ama ku fadhiisashada fadhiga musqulaha.


Calaamadaha STD-yada
Calaamaduhu waxaa laga yaabaa in ay ku dhacaan maalmo, toddobaadyo ama bilo
marka cudurku qofka ku dhaco. Ragga iyo haweenka qaarkood ma laha calaamado
laakiin waxay qabi karaan STD waxayna u gudbin karayaan dadka kale.
Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

• Gubasho marka la kaadinayo

• Nabro ku sameysma cowrada sida dillaacyo ama toxobeysi
• Xonqorro
• Finan yaryar oo ka soo yaaca jirka
• Dheecaanka ka yimaada guska ama siilka
• Xanuun uur ku jirta ah, badanaa haweenka ku dhaca


Noocyada STD-yada

• Jabto/jabti

• Waraabow
• Herbis (Herpes)
• Kalaamiidiya (Chlamydia)
• Beer xanuun

Cudurka loo yaqaano aydhiska
• Human Papilloma Virus (HPV ama xonqorrada cowrada)
• Jankaroyd (Chancroid)


Ka hortagidda STD-yada
Ka fogaanshada, ama xiriir galmo la’aan, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga
hortago faafidda STD-yada. Haddii aad dooratid in aad xiriir galmo sameysid,
yeelo hal lammaane isla markaana mar walba isticmaal cinjirka dheeha leh eel eh
nonoxynol-9 isla markaana isticmaal xanjada ama jelka shahwada dila.

Baaritaanka

Waa in lagaa baaraa STD-yo haddii:

• Aad sameysay galmo afka, futada, ama siilka ah aadanna isticmaalin cinjirka

ama kondomka dheeha leh.
• Aad dad la wadaagtay irbado si aad isugu durto mukhaadaraad ama galmo la
sameysay qof dadka irbadaha la qaybsada.
• Aad dareemeyso in aad la kulantay ama leedahay calaamadaha STD.

Waxaa STD kaa baari kara takhtarkaaga ama waaxda caafimaadka deegaanka.
Baaritaannada STD-yada waxaa badankooda loo sameeyaa si qofka lagu garanin.

Waad aadi kartaa Rug Caafimaad Galmo oo la iska aadi karo oo ku taalla Waaxda.
Caafimaadka Columbus ee 240 Parsons Avenue, Columbus, OH. Lambarka telefoonkoodu waa (614) 645-7772. Iska baaridda HIV waa lacag la’aan isla markaana baaritaannada STD-yada kale lacag yar ayaa la isaga qaadaa. 

Daryeelkaaga
STD-yada badankooda waa la daaweyn karaa. Qaarkood waa la daaweyn karaa laakiin qaar ayaan la daaweyn karin. Daawooyinka waxaa loo isticmaali karaa si ay gacan uga geystaan calaamadaha cudurkana uga celiyaan inuu ka sii daro.

Iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga:

• Ka fogow xiriiro galmo ilaa aad adiga iyo lammaanahaaga la idin daweeyo.

• Antibiyootikada u qaado sida lagu faray ilaa lagaa daaweeyo. Hubso in aad
qaadatay dhammaan daawooyinka takhtarkaagu kuu aoray.
• Marka aad dhammaysatid antibiyootiga, sadex todobaad ka dib takhtarkaaga
ballan ka qabso si laguugu celiyo baaritaankii.
• Ku soo noqo Waaxda Gargaarka Deg-degga ah ama wac takhtarkaaga haddii
calaamadahaagu ka sii daraan ama qandho ka sarreysa 101 darajo F ama
38 darajo C ay ku qabato.

Waxaa jira halista dhibaatooyin kale iyo cudurro kale oo daran haddii aadan helin daaweyn ama aad qaadato daaweyn aan dhammeystirneyn.

Takhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii aad wax su’aalo ama walaac
ah qabtid.

  _____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada