Daacish oo amartay in Labo Wado Midkood loo dilo Hogaamiyaha Alshbab

Daacish oo amartay in Labo Wado Midkood loo dilo Hogaamiyaha Alshbab

daajis.com:Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee Al-shabaab ee kusii xoogeysaneysa qaar kamid ah Gobolada dalka, ayaa waxaa lagu amray inay sii laba jibaaran Dagaalka ay ku baacsanayaan garabka Al-shabaab oo ay ka faracmeen dhawaan.

Hogaamiyaha Daacishta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin oo iminka ka howlgala buuraaleyda Galgala ayaa cutubyo ka tirsan Daacishta Somalia oo ku dhex sugan Al-shabaab ku amray inay khaarijiyaan Hogaamiyaha Kooxda Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Sheekh C/qaadir ayaa Cutubkaasi oo taageersan Daacish kuna dhex goĆ¢€™doonsan Al-shabaab faray in xiliga soo goosashadooda ay 2 qaab midkood u dilaan Hogaamiye Cubeyda waxaana labadaasi nooc ay kala yihiin:-
1- In dilkaCubeyda loo adeegsado qaraxyo loogu dhex aaso Hooygiisa ama gaadiidka kala duwan ee uu isticmaalo.
2- In lagu qaado weerar dhabagal ah kadibna ay sidaa kusoo goostan dilkiisa kadib.

Cutubkaani uu Sheekh C/qaadir Muumin u adeegsanaayo dilka Cubeyda, ayaa waxa ay u badan yihiin ilaalada la socta Hogaamiyaha waxaana jiro xogo muujineysa in amarkaasi uu yahay mid kasoo fulay Hogaanka sare ee Daacish.
Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan dhanka maamulka ah, waxa ayna Koox waliba dadaal ugu jirtaa qabsashada gayiga Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Daacish ayaa caqabad hortaagan u aragta Hogaamiyaha Maleeshiyada Al-shabaab Cubeyda waxa ayna dhowr jeer isku dayeen inay khaarijiyaan hayeeshee mar waliba waxa ay howshooda kusoo biyo shubaneysay fashil

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada