DAAWO: ISIS oo qoorta ka goysay 15 jir kadib markii uu dhageystay heesaha reer Galbeedka

DAAWO: ISIS oo qoorta ka goysay 15 jir kadib markii uu dhageystay heesaha reer Galbeedka

daajis.com:- Kooxda mayalka adag ee ISIS ayaa si fudud qoorta ugu goysay wiil 15 sano jir ah, kadib markii lagu soo helay inuu dhageystay heesaha reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Mareykanka.

Xukunkaan adag ayaa ka dhacay magaalada Mosul ee dalka Iraq, waxaana wiilkaan oo lagu magacaabo  Ayham Hussein lagu hor dilay boqolaal dadweyne ah oo kasoo qeybgalay in ay daawadaan xukunkaan adag ee foosha xun.

Aabaha dhalay Ayham Hussein, oo lagu magacaabo Hussein ayaa sheegay in lagu soo wareejiyay meydka wiilkiisa oo qoorta iyo qeybta danbe jirkiisa kala go’an.
Ayham Hussein ayaa laga qabtay dukaan raarshinka lagu iibiyo oo aabahiis uu ku leeyahay galbeedka Masul. waxaana falkaan si xun ugu naxay dadka deegaanka.

Ma jirto xukun rasmi ah oo shareecadda Islaamka ah oo lagu fuliyo dadka dhageysta muusikada, marka laga reebo in ay tahay karaahi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada