David Obonyo: Waxaan dilnay Mahad Karataay

David Obonyo: Waxaan dilnay Mahad Karataay

daajis.com:- Afhayeen u hadlay ciidamada Difaaca Kenya, ayaa sheegay in Madaxii sirdoonka Al-shabaab Mahada Karataay lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Kenya la beegsadeen xerada Nadaris ee ku taala inta u dhaxeysa Buu’aale iyo Saakoow.

Mahad Karatey ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu abaabulay weerar dhimasho badnaa oo lagu qaaday saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan lagu dilay.

Kenya waxa ay sheegtay in Karatey uu xerada u tagay geba gebada tababar loo dhameeyey 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo la doonayey inay weeraro kale oo argagixiso fuliyaan.

Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaa beeniyey in Kenya ay dileen Mahad Karatey.

Website taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo qoray in “Mahad Karatey uu bad qabo”, islamarkaana aysan jirin duqeyn ku dhacday goob Al-Shabaab ay joogaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada