Wasiir katirsan Jubbaland oo ay Ilaaladiisa qarax ugu xireen Garigiisa oo la fashiliyay

Wasiir katirsan Jubbaland oo ay Ilaaladiisa qarax ugu xireen Garigiisa oo la fashiliyay

daajis.com:- Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay qarax Gaarigiisa loogu xiray sii hayaha wasiirka arrimaha Bulshada Macalin Maxamed Ibraahim Maxamed.

Xiliga wasiirka qaraxa loogu xirayay Gaarigiisa, ayaa waxa uu ku sugnaa Hoygiisa magaalada Kismaayo, waxaana falkaan loo qabtay 2 kamid ah ilaalada qaaska ee wasiirka.

Qorshaha lagu qaarijin rabay wasiirka ayaa fashilmay sida la sheegay, kadib markii laga shakiyay mid kamid ah Ilaalada wasiirka oo Taleefan ku hadlayay.

Sii hayaha wasiirka arr/Bulshada oo arintaan ka hadlay, ayaa sheegay in ragga loo qabtay shirqoolkan ay ahaayeen qaraabo, islamarkaasina uusan marnaba ka filaneyn fal nuucaan ah.

Ciidamada maamulka Jubbaland oo markii hore ahaay Raaskambooni, ayaa waxaa la sheegaa ineey ku dhex milanyihiin rag badan oo Al-shabaab katirsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada