Daawo Sawirada” Dagaalada ka socda Yemen oo sababay in Duur joogtu ay baahi dartii isku cunaan

Daawo Sawirada” Dagaalada ka socda Yemen oo sababay in Duur joogtu ay baahi dartii isku cunaan

daajis.com:- Duur joogta lagu xanaaneeyo magaalladda Tacis ee dalka Yemen ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii macluul jirta darteed ay ku dhiiradeen inay iyaga is cunaan.

Duur joogta lagu xanaaneeyo Xirada Zoo oo ku taala magaaladaasi ayaa waxa ay bilaaben in iyaga ay nacfi iska raadiyaan waxaana sidoo kale xanuuno ka dhashay macluusha ay lasoo daristay Libaaxyada Xeradaasi lagu hayo.

Saameynta ugu badan ee Duur joogtaasi ayaa noqotay dagaaladda iyo duqeymaha ka socda dalkaasi oo sababtay in duur joogtu ay ka hayaamaan duurkii ay ku noolaan jireen kadib markii diyaaradaha duqeynta fuliya ay mucaaradka dalkaasi ku beegsanayaan duurka.

Libaaxo, Harama-cadyo iyo Bahallo kale ayaa qarka u saaran inay macluul darteeda u geeriyoodaan, waxayna bilaabeen inuu midba midka uu ka itaal roonaado inuu cuno, si uu u sii noolaado.

Ku dhawaad 280 Bahal ayey hoy u tahay Xeradaasi, waxaana haatan ka socda Gurmad khatartiisa leh oo lagu quudinayo Xayawaankaasi Dad cunka ah.

Kooxaha xanaaneeysta xeywaankaasi waxa ay sheegen in halkii Haramacad maalin u baahan yahay inuu quuto 2 kiilo ilaa 4 kiilo hilib ah, iyadoo halkii libaax uu maalintii u baahan yahay in la siiyo 4kiilo ilaa 5 kiilo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada