DAAWO SAWIRADA Gabar loo haysto inay dooneysay inay ku biirto IS oo 1 sano oo xabsi ah lagu xukumay

DAAWO SAWIRADA Gabar loo haysto inay dooneysay inay ku biirto IS oo 1 sano oo xabsi ah lagu xukumay

daajis.com:- Gabar u dhalatay dalka Sweden ayaa maxkamad ku taal dalka Austria ku heshay dambi ah inay dooneysay inay ku biirto kooxda ISIS oo maamusha qeybo ka mid ah wadamada Siiriya iyo Ciraq.

Gabadhan oo aan magaceeda la shaacin ahna 17 sano jir ku nooleyd Linkpiong,Sweden ayaa lagu xirey magaalada Vienna dalka Austria, kadib markii ay sheegtay inay dooneysay inay labo gabdhood oo kale ay halkaa iska raacaan oo ay u sii gudbaan dalka Siiriya.

Kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen Booliska taleefankeeda gacan qaadka ah ayaa laga helay sawiro muujinaya sur goyn iyo weliba fariimo qoraal ah oo lagu taageerayay weerarkii lagu qaaday magaalada Paris.

Gabadhan oo ku dhalatay magaalada Falun,Dalarna sanadkii 1998kii ayaa waxaa ay ku soo kortay magaalada Linkoping waxana waalidkeed ay ahaayeen Soomaali ka qaxday dagaalada sokeeye.

Waalidiinta gabadhan ayaa sheegay inay gabadheeda hore ugaga shakiyeen in la duufsaday waxayna isticmaalaysay dawooyinka walwalka.

Kadib markii ay waayeen waalidka gabadhan ayaa waxa ay ku wargeliyeen booliska si loo helo, waxana wiil ay walaalo yihiin gabadhan uu ku helay halka ay joogto barnaamij lagu raadiyo mobaylada lumay oo la yiraahdo Find My Iphone app.

Qoyska gabadhan oo la xiriiray Booliska Austria una direy sawiradeeda ayaa suurtogeliyay in lagu qabto gabadhan goob laga raaco tareenada 5tii December 2015.

Hase yeeshee gabadhan ayaa u suurtogashay inay gasho dalka Austria iyadoo aan sidan baasaboor, balse waxa ay wadatay mobayl, Jaarjer iyoi lacag caddaan ah oo gaareysa ah £55.

Qareenkii u doodayay gabadhan Wolfgang Blaschitz ayaa ku dooday inaysan gabadhan wax dambi ah gelin. ‘Ma ihi argagaixso, qalad ayaan sameeyay,’ ayay u sheegtay gabadhan Expressen.

Si kasta ha ahaatee gabadhan ayaa laga cafiyay inay xabsi ku dhamaysato mudada lagu xukumay ee ah balse waxaa dib loogu celiyay dalka Sweden halkaa oo ay dhaqan celin loogu sameynayo.

Gabdho asalkoodu yahay Soomaali kuna noolaa dalalka Yurub iyo wadanka Maraykanka ayaa ku biirey ururka IS iyagoo halkaa ku guursaday qaar kamid ah maleeshiyaadka u dagaalama ururka IS.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada