Daawo Sawirada:- Milkiilaha Facebook oo sameestay ilaalo Gaar ah kadib markii ay u hanjabeen Daacish

Daawo Sawirada:- Milkiilaha Facebook oo sameestay ilaalo Gaar ah kadib markii ay u hanjabeen Daacish

daajis.com:- Milkiilaha ahna aas aasaha barta Facebook Mark Zuckerberg , ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, kadib markii fariin hanjabaad ah ay hawada usoo mariyeen kooxo la sheegay in ay katirsan yihiin taageerayaasha Daacish.

Mark Zuckerberg , oo booqasho labo malain ah ku tagay dalka Jarmalka ayaa durbo sameestay ilaalo gaar ah, waxaana Sawiro laga soo qaaday Milkiilaha Facebook oo sameenaya ruclo orod sidoo kale ay hareer socdaan ilaalo gaar ah uu sameestay.

Fariin Muuqaal ah ay soo saareen Kooxo xariir la leh Daacish ayaa ciwaan waxaa looga dhigay Holacii taageerayaasha, waxaana fariintan loogu hanjabayay Milkiilaha Facebook iyo Milkiilaha barta kale ee Twiterka Jack Dorse.


Kooxdan Muuqaalka soo duubtay ayaa sheegay in baro badan ay isticaamaal ay ku leeyihiin Facebook iyo Twitterka, waxa ayna ku hanjabeen in tilaabo aargoosi ah ay ku dhaqaaqi doonaan hadii la tir tiro barahooda gaarka ah.

Muuqaalka ay soo bandhigeen kooxdan xariirka la leh Daacish ayaa waxaa laga dheehanayay Sawirada Milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg iyo Milkiilaha barta Twitterka Dorsey, oo rasaas madaxa uga taal, waxa ayna arintan keentya cabsi lasoo datistay labadan Milyuneer.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada