Daawo Sawirada:- Toogasho ka dhacday Warshada kutaala Dalka Mareykanka

Daawo Sawirada:- Toogasho ka dhacday Warshada kutaala Dalka Mareykanka

daajis.com:- Nin hubeesan ayaa weerar waxa uu ku qaaday goob warshad ah oo kutaala magaalada Hesston gobolka Kansas ee dalka Mareykanka , waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay sadax qof halka dhaawacyo qaarkood culus yihiin ay soo gaareen 14-qof oo kale oo ku sugnaa Warshada uu weerarka ku qaaday ninkan hubeesan.

Ciidamada booliiska gaaray halka weerarku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay dilaan ninkii weeraray warshada , ninka weerarka fuliyay ayaa la sheegay in goobtaasi uu ku tagay gaari uusan laheyn balse soo xaday , waxa uu sidoo kale ninkan watay hub badan..

Booliiska wali faah faahin kama bixin shaqsiyada ruuxan weerarka geestay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ninka weerarka geestay uu horey uga shaqeeayay Warshadan oo soo saarta alaabo kala duwan ay kamid tahay qalabka beeraha lagu guro.

Dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya weerarada toogashada u badan ee ka dhaca gobolada dalkaasi, waxaana inta badan arimahan loo aaneeyaa heesashda hubka oo dalkaasi ka sahlan , mana jirto ilaa hada wax xal ah ay Dowlada Mareykanka ka gaartay toogashada kusoo badaneysa dalkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada