Mareeykanka oo maamulka G.banaadir ka taageeraya in Muqdisho yeelato gole deegaan

Mareeykanka oo maamulka G.banaadir ka taageeraya in Muqdisho yeelato gole deegaan

daajis.com:- Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha G.banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo magaalada Stanbul kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay sidii loo sugi lahaa amaanka Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha iyo Danjiraha, ayaa isla soo qaaday maareeynta dhaqaalaha Caasimada, doorashooyinka golaha deegaanka Muqdisho iyo arrimaha maqaamka Caasimadda.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa Danjiraha Mareeykanka ee Soomaaliya ka codsaday ineey ka taageeraan, sidii uu maamulkiisa uu doorashooyinka golaha deegaanka kaga suura gelin lahaa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Danjiraha Mareeykanka, ayaa ballan qaaday ineey imaan doonaan magaalada Muqdisho, si ay qiimeyn ugu sameeyaan baahida maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir, wuxuuna cadeeyay ineey doonayaan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo matasha Siyaasada Soomaaliya oo dhan marti gelisana diblomaasiyiinta Caalamka ee ka howlgala Soomaaliya
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada