DEG DEG Weerar ismiidaamin 2 oo goordhow ka dhacay Hoteel S.Y.L

DEG DEG Weerar ismiidaamin 2 oo goordhow ka dhacay Hoteel S.Y.L

daajis.com:- Weerar Ismiidaamin ayaa waxa uu mar kale ka dhacay goobta uu ka dhacay weerarkii hore waxaana weerarkaani barbar socda rasaas xoogan oo ay furayaan ilaalada Villa Somalia.

Ismiidaaminta labaad ayaa waxa ay ka dhacday wadada gasha ceel-gaabta oo dhinaca bidix kamarta Hoteel S.Y.L iyo Beerta Nabadda.

Weerarka labaada ayaa waxaa isna loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxa ayna Ciidamada Dowlada jawaab uga dhigeen rasaas oo ay ku fureen dadka goobahaasi ku dhuumanaaya.

Waxaa jihada Hoteel S.Y.L iyo Beerta Nabada ku qulqulaaya gaadiidka gurmadka ee loo yaqaan Ambalaasta, waxaana adag in wadadaasi lagu maro socod iyo gaariba.

Rasaas xoogan ayaa dhaceysa waxaana la maqlayaa gurxanka Hubka culus oo ay adeegsanayaan Ciidamada Dowlada.

Jawiga agagaarka Villa Somalia ayaa caawa ah mid qasan waxaana la ogeyn waxa ay Dowlada Somalia ka yeeli doonto Fashilka Hay’adaha amaanka ka heysta weerarada kaga imaanaaya dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkeena danbe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada