DEG DEG: Al-Shabaab oo la wareegay magaalada Marka, kadib markii ay ka baxeen AMISOM

DEG DEG: Al-Shabaab oo la wareegay magaalada Marka, kadib markii ay ka baxeen AMISOM

daajis.com:- Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, saacado kadib markii ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM isaga baxeen.

Wararka aanu ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka soo galeen dhanka bari, iyadoo halkaas iska hor imaad kooban uu ku dhex maray Ciidamo madani ahaa oo magaalada ku sugan.

Goob joogayaal ku sugan Marka oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay, in Al-Shabaab la wareegeen, ayna ka taageen calankooda.

Dadka deegaanka ayaa goor hore guryahooda ku xarooday, waxaana jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira magaalada, tan iyo markii xaalad cabsi ah ay gashay.

Dagaalyahano ka tirsan oo wajiga u duuban ayaa lagu arkay Saldhiga degmada Marka iyo goobo kale, waxaana ay magaalada gaaf wareegayeen, iyagoo wajiga u duuban.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku lahaa deegaanka Ceel-Jaalle ayaa xalay ilaa saakay ka baxayay saldhigaas, waxaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Shalanbood oo ilaa 15-KM u jira Marka.

Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo maamulkii deegaanka ayaa iyana la sheegay inay ka baxeen magaalada, waxaana jirin ilaa iyo hada war ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Gobolka.
Magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 100KM, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii Al-Shabaab laga saaray sanadkii 2012.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada