Dhambaal Jaceyl Xaada ku istaajinaya (Akhriso)

Dhambaal Jaceyl Xaada ku istaajinaya (Akhriso)

daajis.com:- Haddii aan ku siiyay kalsoonideyda,ha luminin,hadii aad qalbigeyga gacmahaaga ku heysana ha dhaawicin,
Kalsoonida waa sida muraayad oo kale,hadii mar la jibiyana lagama yaabo in dib la isugu keeno.

Hal qof ayaa u qalma in ay illintaada daadato,islamarkaana ilaalin kara dareenka qalbigaaga iyo farxadaada,kuuna jecel in kabadan inta aad adig jeceshahay.

Dadka qaar waxa ay yiraahdaan wa ay adag tahay in la xusuusto,waana kugu adkaataa inaad cafiso,ha hilmaamin inaad iga cafiso qaladaadka yar yar,hana ilaawin waligaa balantii dhexdeena.

Jaceylku maahan sidaad u hilmaanto ee waa sidaad u cafiso,mana ahan sida sidaad u maqasho ee waa sidaad u fahanto dhawaaqa wadnahaaga,islamarkaana aad u dareento ahmiyada uu qofkaas kale xagaaga ka leeyahay,mana awoodid inuu qofkaas kaa tago waxa ay kugu qaadataba.

Jaceyl waa sida dahab kuusan oo kale,wa ay adag tahay inaad hesho oo aad hadana ceshato, qofkasto aan la kulmana adiga keliya ayaa ka ah kan aan marnaba ilaawin oo hooskiisa aan raadiyo,nafteydu kala soo dhex baxday aduunka oo idil.

Ka agdhawaanshaha ma dhiso xiriirada lamaanaha,waa isku xer ka yimaada qalbiyada,kaasoo aan noo ogolaan inaan is ilaawno ebed.

Waxa dadka qaar ka dhigo kan ugu qaalisan ma ahan farxada marka aan dareeno inaan la kulano,laakin cidlada aan dareeno marka aysan agagaarkeena joogin waxey na bartaa qiimaha uu leeyahay bini aadamku inuu lahaado dad jecel oo daneynaya xaaladihiisa nolosha. Aan ahaano kuwa isku qalbi furan marwalbo,kalsooni wacana isku hibeeya.

Illintu walbo waa qalbi jab,aamusnaantuna waa calaamadaha kelinimada iyo inaad gacanta ku heyn wehel naftaada siiya firfircooni iyo isku qanacsanaan,hablaha.com,yididiilada iyo qalbi furnaanta hadii ay kaa muuqato waxey taas macnaheedu tahay in aad gacanta ku heyso farxadii nolosha ee hasii deyn.

Keliya qalbiyo yar ayaa si fudud u cadeyn kara daacadnimada jaceylka dhabta ah,dadka qaar waxey kugu qaldaan xoogaa dhoolacadeyn ah iyo illin been abuur ah,Ha u ogolaan naftaada in dibindaabyadaas laguu dhigo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada