DHUUQMADA OO LABADA QOF MIDKOOD DHUUUQAYO BUSHINTA KAN KALE DAREENKISAY KORDHISAA

DHUUQMADA OO LABADA QOF MIDKOOD DHUUUQAYO BUSHINTA KAN KALE DAREENKISAY KORDHISAA

daajis.com:-   Dhuuqmada Waxa laga wadaa in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa macaan aan xad lahayn.
Urta:-

Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka kacsiyeed.

Udgoonka soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa rabitaanka jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo rabitaan la’aan Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan kale, waxay kordhisaa istiin qaadashada labada ruux.

Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin, waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa.
Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay iyaga oo u galmooday. Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta, waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada