Doowladaha Soomaaliya &Itoobiya oo ka wada hadlay xariga wariye B. Bartamaha

Doowladaha Soomaaliya &Itoobiya oo ka wada hadlay xariga wariye B. Bartamaha

daajis.com:- Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, ayaa waxay markii ugu horeysay ka wada hadleen xariga Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), oo muddo laba sano iyo bar ku xiran Magaalada Addis Ababa.
Wariyaha, ayaa lagu xiray Xarunta Itoobiya, ka dib markii uu qarax ka dhacay xaafadda Boole, bishii October ee sanadkii 2013-ka, waxaanu uu Wariyuhu ka mid noqday tiro Soomaali ah oo qaraxaasi loo soo qab qabtay.

Masuuliyiin uu horkacaayay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Magaalada Djibouti kula kulmay diblomaasiyiinta Itoobiya ee u qaabilsan dhinaca Urur Goboleedka Igad, waxayna ka wada hadleen xariga Suxufiga.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa diblomaasiyiinta u sheegay inaysan Dowladda Somaliya jecleysan, isla-markaana aanay soo dhaweynayn xariga Wariye Maxamed Aweys Muudey, Itoobiyana looga baahan yahay inay dib u eegto kiiskiisa.

Sidoo kale waxaa uu u sheegay in Xukuumadda Addis Ababa looga baahan yahay inay kala cadeyso waxa lagu haysto Suxufiga, ayna Somaliya dooneyso inuu cadaalad helo Suxufigu.

Diblomaasiyiinta reer Itoobiya, ayaa ballanqaaday inay taageerayaan soo jeedinta kaga timid Dowladda Somaliya, isla-markaana dib loogu laaban doono kiiska Maxamed Aweys Muudey.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa Madaxtooyada Somaliya ka codsaday inay la socoto xaaladda Suxufiga ku xiran Magaalada Addis Ababa.

Koox Suxufiyiin ahayd, ayaa daba yaaqadii sanadkii hore Magaalada Muqdisho kula kulantay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, iyagoona ka codsaday inuu u ololeeyo sidii uu cadaaladda u heli lahaa Wariyaha.

Qoyska Wariyaha, ayaa Dowladda Somaliya ka codsaday inay il naxariis leh ku eegto Suxufiga, qayb libaax-na ka qaadato, sidii uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.

Boqorka Bartamaha, ayaa ka mid ah Suxufiyiinta sida wayn looga garanaayo dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isagoona ka soo shaqeeyay Warbaahinta ka hawlgasha Caasimadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada