Dowladaha Kenya & Ethiopia oo Diyaarado Dagaal ku Caawinaya Amisom

Dowladaha Kenya & Ethiopia oo Diyaarado Dagaal ku Caawinaya Amisom

daajis.com:- Wara Hoosaad oo aan weli la shaacin ayaa sheegaya in Dalalka Itoobiya iyo Kenya ay isku afgarteen in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helkobatriska ay u soo dirayaan dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AMISOM ee ka dhan ka ah Ururka Al-shabab.

Saraakiil ku dhow Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in labada dal ay go’aansadeen in diyaarado dagaal ay ku caawin doonaan howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaliya si loo dar dar galiyo dagaalka ka dhanka iyo soo afjaridda Ururka Al-shabab.


Labadan dowladood iyo kuwa kale ee howlgalka AMISOM ku jira ayaa ku eedeyay Ururka QM in ay ka gaabisay taageeradda ay siiso Ciidamada AMISOM wixii ka dambeyay sanadkii 2012-ka oo ay golaha amaanka ogolaadeen in 12-diyaradaha helkobatarada militeri la siiyo Midowga Afrika balse aysan dhicin.

Warbixintan ayaa waxaa daabacday jariidada Sudan Tribune, oo ka soo xigatay saraakiil ku dhow taliska ururka Amisom oo ay xaruntooda tahay dalka Soomaaliya, lama shaacin goorta ay diyaaradahani Soo gaari doonaan dalka Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada