Dowladda Soomaaliya oo baareysa Diyaaradda Daallo iyo Meydka qof ka dhacay oo la keenay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo baareysa Diyaaradda Daallo iyo Meydka qof ka dhacay oo la keenay Muqdisho

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa baareysa diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines, taasoo shalay deg deg dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho, kadib muddo sodon daqiiqo ku dhow oo hawada ku jirtay, diyaarada ayaa soo degtay, iyadoo dhinac ka mid ah uu ka muuqday duleel weyn.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wada baaritaan ku aadan diyaarada, iyadoo baaritaanada ay ka qeyb qaadanayaan saraakiil khubaro ah oo qaabilsan arrimaha shilalka diyaaradaha iyo shilalka kale ee qaraxyada ka dhasha.

Mid ka mid ahaa Rakaabkii diyaaradaha oo lagu magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in xilli diyaarada ay hawada ku soo jirtay qadar 30-daqiiqo ah ay maqleen jug xoogan oo gudaha diyaarada ahaa.

“Diyaarada markii ay ka kacday garoonka Xamar, muddo 30 daqiiqo qiyaasti socotay, ayaa hal mar maqlay bug xoogan, qal qal aad u badan ayaa dhacay, illaa iyo hada ma garan waxa dhacay waxay ahaayeen, laakiin qarax weyn ayaa maqlay, ma naqaano inay ahaayeen koronto qaraxyada, in qof is qarxiyay, aniga kursiga qarxay waa ii dhowaa, qof baa meesha ka baxay, mana garanayo runtii”ayuu yiri Cali Yare.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 74 rakaab ah, waxaana ay ku sii jeeday dalka Jabuuti, inta badan rakaabka diyaarada ayaa ahaa kuwo sugayay labadii maalmood ee u dambeysay diyaarada Turkish Airways oo labadii maalmood u baaqaneysay sababo la sheegay cimilo oo xumeyd.

Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in la helay meydka nin diyaarad ka soo dhacay, waxaana meydkaas oo ahaa nin oday ahaa shalay gelinkii dambe la keenay magaalada Muqdisho, waxaana socda baaritaanka meydkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo bandhigto baaritaanada socda, iyadoo uu jiro tuhuno kala duwan iyo waxa sababay in diyaarada dhinac ka duleelsanto, taasoo ugu yaraan sababi kara wax ka tan weyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada