Muuqaal:- Nin ka soo dhacay diyaaradii Daallo ee Qaraxa lagu xidhay oo meydkiisa Shalay laga helay Balcad

Muuqaal:- Nin ka soo dhacay diyaaradii Daallo ee Qaraxa lagu xidhay oo meydkiisa Shalay laga helay Balcad

daajis.com:- Nin la sheegay inuu kasoo dhacay diyaaraddii Daallo Airlines ee uu maalintii shalay uu Hawada ku qaraxday, kadib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku soo dhacay dhul beereed ku taala Deegaanka Qiiqaale oo saaran wadada xidhiidhisa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose. Deegaanka Qiiqaale waxa uu deegaan ahaan ka tirsan yahay Degmada Balcad.

Gudoomiyaha Degmada Balcad, Maxamed Maxamuud Saneey ayaa waxa uu warbaainta u sheegay inay gacanta ku hayaan meydka ninkaasi, kaasoo uu sheegay inuu si xun ugu gubtay jirkiisina ugu goo-go’ay qaraxii ka dhex dhacay gudaha diyaaradda.


Gudoomiyaha ayaa sheegay inay xiriir la soo sameeyeen hay’adaha amniga ugu sareeya ee Dowladda Federaalka, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay ku wareejiyaan meydka ninkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada