Howlgallo Horleh oo ay Ciidamada Nabad Sugidda ka Fuliyeen Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Howlgallo Horleh oo ay Ciidamada Nabad Sugidda ka Fuliyeen Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Hay´adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee Dowladda Federaalka ayaa ka warbixisay howlgallo saddexdii habeen ee la soo dhaafay ay ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir isla markaana lagu qabqabtay rag ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, is miidaaminta iyo weerarada tooska ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo guul ku so dhamaaday ay ka sameeyeen degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid iyo Huriwaa, kaddib markii ciidamada NISA xilli habeenimo ah ay bartilmaameedsadeen guryo ay ku sugnaayeen raggaasi.


Kooxda Al-Shabaab u qaabilsan weerarada tooska ah ayay sheegtay NISA inay tiradoodu gaareyso ilaa 34-maleeshiyo, waxaana sidoo kale isla howlgaladan labadii habeen ee u danbeysay lagu soo qabtay 2-sarkaal oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo


Dhinaca kale Hay’adda Sirdoonka ayaa warkeeda ku sheegtay inay uga mahad celineyso bulshada ku dhaqan degmooyinka ay howlgalada ka sameeyeen, kuwaasi oo ka gacan siiyay macluumaadka lagu soo qabtay kooxahaan ka tirsan Al-Shabaab.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada