Mareeykanka oo Fiisaha ku adkeeynaya dalal ay Soomaaliya kamid tahay

Mareeykanka oo Fiisaha ku adkeeynaya dalal ay Soomaaliya kamid tahay

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya ku dartay liiska dalalka walaaca laga qabo, marka al eego barnaamijka ogolaanaya in Visa la’aan lasoo galo Mareykanka (Visa Waiver Program).

Waaxda ammaanka gudaha ee Homeland Security ayaa khamiistii ku dhowaaqday tallaabadan, oo dadka booqday dalalkan shanti sano ee lasoo dhaafay ku adkeyn doonto hanaanka lagu helo Visa-ha Mareykanka.

Xayiraad cusub ayaa la soo rogay iyadoo loo cuskanayo sharciga la ansixiyey ka dib weerarkii November ee Paris ee ay geysteen kooxda Islamic State.

Muwaadiniinta wadamada la ologa ah Mareykankaoo markii hore Mareykanka usoo safri jirey Visa la,aanta ayaa hadda laga doonayaa in ay Visa ka dalbadaan qunsuliyada Mareykanka, hadii ay shanti sano ee lasoo dhaafay u safreen mid ka mid ah dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya.

Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegtay in shuruudaha cusub aysan si toos ah u saamayn dooninmuwaadiniinta ka yimid dalalka aan Visaha u baahneyn in ay Mareykan soo galaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta labada dhalasho heysta ee Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya.
Xanibaadan cusub ee helitaanka dal ku galka Mareykanka ayaa la soo rogey iyadoo hay’adaha ammaanka Mareykanka ay diirada ku hayaan qataraha ka iman kara dagaalyahanada shisheeye ee xagjirka ah, waxaana ay doonayaan in ay adkeeyaan fursadaha ay kooxdani u yeelan karto in ay ka faa’ideystaan dal ku galka aan adkeyn ee waddamada qaar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada