Kenya oo Sheegtay Inay Gacanta ku dhigtay Raashin loo Waday Al Shabaab (VIDEO)

Kenya oo Sheegtay Inay Gacanta ku dhigtay Raashin loo Waday Al Shabaab (VIDEO)

daajis.com:- Kenya ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay saddex gaari xamuul ah oo raashin gargaar ku siday magaca Hay’ada Cunada Aduunka ee (WFP), kuwaasi oo maraayay xuduudda dalka Soomaaliya, waxayna Kenya tuhun ka muujisay in gaadiidka gargaarka sida iyo dadka saaran ay gacanta u galaan waxay ugu yeertay xagjiriinta, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Mandera Fredrick Shisia.

Hay’ada WFP ayaa sheegtay in baabuurta looga baahan yahay inay qaataan waraaqaha aqoonsiga Dowladda Kenya, waxayna Qaramada Midoobay si taxadar leh u kormeeri doontaa in shixnadaha gargaarka sidii loogu talo galay ay u gaareen dadkii u baahnaa.


Mahamed Saalax, oo ah madaxa ammaanka Gobolka Waqooyi bari Kenya, ayaa sheegay in baabuurta Shixnadaha gargaarka siday lagu qabtay magaalada Mandhera maalintii Isniintii, waxayne ujeedka ay u qabteen ku sheegey ineysan gaadiidkan iyo raashinkiisa aysan gacanta u galin Ururka Al Shabaab.

“Waxaa jiray shaki yar oo aan ka muujineynay halka ay cuntadaan ku sii socotay, sababtoo ah waqtiyadii ugu danbeeyay waxaan na soo gaarayay warbixino cunta la qaatay, raashinka waxaa la wareegay kooxda argagixisada Al-shabaab iyo wax la mid ah” ayuu Saalax qadka taleefanka ugu sheegay laaanta warbaahinta ee Reuters.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada