DAAWO: Muuqaalo Horleh oo Laga Helayo Gudaha Diyaaradii Daallo Airlines (VIDEO)

DAAWO: Muuqaalo Horleh oo Laga Helayo Gudaha Diyaaradii Daallo Airlines (VIDEO)

daajis.com:- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay qaraxii xooganaa ee ka dhex qarxay diyaaradii Daallo Airlines ee ka duushay garoonka Aaden Cadde International kuna sii jeeday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo la hadlay Saxaafadda, ayaa shaaciyay inay socdaan baaritaano lagu xaqiijinaayo waxa sababay jugta laga dhex maqlay diyaaradda.



Waxaa uu intaa ku daray inay dib ka soo faah faahin doonaan wixii ka soo baxa baaritaanada socda, haddii ay tahay cilad farsamo iyo haddii ay wax kale jiraanba.

Diyaaraddan oo 74 qof oo rakaab ah ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, kuna sii jeeday Magaalada Djibouti, ayaa 20 daqiiqo kadib ku soo laabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinac ka daloosha.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada